Waxay ahayd 37 jir ka quusatay guur balse Rajab gudaheed Ilaahay nolosheeda gebi ahaan beddelay!
![]() |
| Qisaska istiqfaarta |
Asallaamu alleykum wa raxmatulaah,
Ilaahay ha idin siiyo caafimaad iyo khayr mar walba. Ilaahayna ha u naxariisto, hana barakeeyo Nabigeenna Muxammad (NNKH), ehelkiisa iyo saxaabadiisa dhammaantood.
Maanta waxaan idiin sheekaynaynaa qiso ku saabsan gabadh Ilaahay si
weyn u gu gargaaray, xitaa
iyadu ma ay san filayn wixii ku dhacay,
iyo sida Ilaahay xaaladdeedii u beddelay, iyo sida ducadeedii oo dhan loo
aqbalay muddo aad u gaaban gudaheed.
Ogaada in aan qisooyinkan idiin soo bandhigayno waqtigan, sababtoo ah
qisooyinkeedu waxay bilaabmeen bisha Rajab, waxaana yaab leh
in saddex ilaa afar bilood gudahood Ilaahay ka aqbalay
ducadeedii, kana dhigtay mid goosata mirihii istighfaarka, adkeysiga,
iyo ku-dhawaanshaha Ilaahay.
Aan wada aragno waxa dhacay, waayo waa qiso qurux badan oo
nagu soo beegantay waqtigeeda—qisadan waxeey bilaabatay bilowga bisha Rajab, oo
ah bisha beerista. Bal aynu eegno waxa ku dhacay gabadha
qisooyinkani ku saabsan yihiin; laga yaabee inay noqoto farriin Ilaahay
inooga timid si aynu u beddelno xaaladdeenna oo dhan.
Gabadha qisada leh waxay tidhi:
“Waligey ma malaynayn in maalin aan iman doono oo aan qisooyinkayga ka
sheekayn doono, ama magacayga lagu xusi doono erayada ‘Ilaahay wuu ii gargaaray
ama ‘Ilaahay wuu ii aqbalay ducadeedii’. Waxaan soo maray sannado badan anigoo
dareemaya in aan ka dambeeyo dadka oo dhan. Dadkii igu xeernaa way guursadeen,
way degeen, guryo ayay sameysteen, carruur ayay dhaleen, shaqooyin wanaagsan
ayay heleen, xaaladdoodii dhaqaale way hagaagtay—aniguna sidii baan ahaa. Wax
walba oo aan isku dayo way xirmayeen, sababtana ma garanayn, balse sidaas ayay
xaaladdaydu ahayd.
Mar kasta oo aan tago munaasabad, waxaan indhaha dadka ka arki jiray aragti
i dareensiisa liidasho; su’aalaha la i weydiiyana way i dhaawici jireen: ‘Ma
jirto cid ku soo doonatay?’ ‘Haddii qof yimaado, shuruudaha ha adkayn.’ ‘Da’da da
way waynaatay.’ Asxaabtaadii iyo kuwii ku yaqaannay oo dhami guryo ayay
yeesheen, carruurna way dhaleen, wayna degeen. Su’aalahaasi aad bay ii xanuunin
jireen—ma aha guurka oo keliya inaan rabay, balse dareenka ah in dadka hortooda
wax iga maqan yihiin.
Waxaan erayadaas oo dhan ku qarin jiray qalbigayga, waan aamusnaan jiray.
Maxaan sameeyaa? Dadku qofna kama daayaan xaaladdiisa. Xitaa waxaan bilaabay in
aan yareeyo ka-qaybgalka munaasabadaha iyo kulamada. Waxaan raadsaday shaqo si
aan naftayda uga mashquuliyo ka fikirka guurka.
Waxaan qabtay shaqooyin badan oo fudud: caawiye maamul oo online ah, ka
jawaabista wicitaannada, diyaarin ballamo, la socodka shaqada dadka kale.
Dakhliga ma ahayn mid joogto ah, aad buuna u yaraa. Mararka qaarna bilaha ayaan
ku gudbi jiray anigoo aan garanayn halka aan ka heli doono kharashka. Xaaladdayda
dhaqaale way adkayd. Aabbahay—Alle ha u gargaaro—walaalahay wali waxbarasho
ayay ku jireen, kharashyo iyo waajibaad badanna way jireen. Si kastaba ha
ahaatee, waan ku qanacsanayn, Ilaahayna waan ku mahadnaqaynay.
Hadda bal eeg waxa dhacay—bilowgii bisha Rajab, taas oo aniga ii noqotay
bilowgii dhabta ahaa. Bisha Rajab waxay nagu soo gashay anigoo qalbi jaban leh,
murugo iyo xanuun la buuxo. Gabar 37 jir ah—rajadii wax walba ayaan ka quustay:
shaqo ma jirto, guur ma jiro, carruur ma jiraan, nin ma jiro, guri ma
jiro—waxba ma jiraan. Waxaan dareemay in aan ka mid noqday dadkii noloshoodu
istaagtay oo kaliya maalmaha tirinaya.
SubxaanaLlaah, waxaan maqlay cashar ku saabsan istighfaarka,
sheekha ka shekeeynaayey wuxuu sheegay in bisha Rajab ay tahay bisha
diyaargarowga; qofkii ku beerta Rajab, wuxuu goostaa Shacbaan iyo
Ramadaan. Hadalkaasi aniga wuxuu ii noqday xadhig badbaado,
waayo waxaan galay xaalad murugo iyo niyad-jab ah. Waxaan iri: ‘Waan ku
dhegganaanayaa istighfaarka; bal yaa og—laga yaabee inuu noqdo daawada keliya
ee ii hartay.’ Waxaan isku dayay waddooyin badan, waxyaabo badanna waan
sameeyay, balse waligay istighfaarka si dhab ah ugama fikirin.
Maalintii ugu horraysay ee Rajab, waxaan ku celceliyey istighfaarka maalin
kastana waan aqrin jirey—tiro ma sheegi doono—aad ayaan u badin jiray erayga: Astaghfirullaaha
al-‘cadiim wa atuubu ilayh. Inta badan waxaan dhihi jiray waqtiga saxaarka
ka hor fajarka, ka hor seexashada, iyo maalintii oo dhan anigoo ku daraya
tasbiixyo sida: SubxaanaLlaahi wa bihamdih, Laa hawla walaa
quwwata illaa billaah. Sidoo kale waxaan joogteeyay adhkaarada subaxda iyo
fiidka. Ilaahay mahaddiis, waxaan noqday mid ku tukata salaadda waqtigeeda,
waxaanan bilaabay salaadda qiyaamka habeenkii.
SubxaanaLlaah, sidii in wax walba ii sahlanaayeen si aan ugu dhowaado Ilaahay.
Bilowgii way igu adkayd, culays ayay u muuqatay, waxaan is iri: ‘Sideen u wada
sameyn doonaa? Sideen ku sii wadi doonaa?’ Laakiin Ilaahay ayaa i caawin jiray.
Mar walba waxaan ku ducaysan jiray: Allaahumma acinnii ‘calaa dhikrika wa
shukrika wa husni ‘cibaadatik. Istighfaarka dartii, waxaan dareemay
deganaan weyn; fikirradii iyo murugadii qalbigeyga ku cuslaa Ilaahay ayaa si
tartiib ah maskaxdayda uga qaadi jiray. Waxa kaliya ee i mashquuliyay wuxuu
noqday sida aan ugu dhowaado Ilaahay, uguna cusbooneysiiyo cibaadada, una
sameeyo camallo Ilaahay agtiisa ku weyn.
Laga bilaabo bilowgii Rajab ilaa dhammaadkeeda, nidaamkan ayaan ku socday.
Maalin kasta waxaan dareemayay in aan Ilaahay u sii dhowaanayo. Kadibna—si lama
filaan ah—waxaan helay wicitaan saaxiibtey ah oo ii sheegtay shaqo yar oo
shirkad yar ah: abaabul ballamo, la xiriir macaamiil , la socod dukumiintiyo
iyo qabsashooyin—dhammaantood online ah. Mushaharku wuu yaraa, balse waan ku
nastay shaqada. Waxaan galay anigoo niyadeyda u sameeyay Ilaahay dartii,
shaqadeydana si hufan ayaan u gutay, anigoo aaminsan in shaqaduna ay tahay
cibaado; sidaas darteed aad ayaan u dadaalay.
Macmiisha aan u diyaarin jiray shaqada waxaa ka mid ahaa ganacsade taajir
ah. Xiriirkeenna wuxuu ahaa mid shaqo oo keliya, edeb, ixtiraam,
nidaam, iyo daacadnimo leh. Waqti ka dib, wuxuu bilaabay inuu igu tiirsanaado,
maadaama aan shaqo fiican oo daacad ah qabanayay. Bartamihii Shacbaan,
ganacsaduhu wuxuu codsaday in uu la kulmo kooxda shaqada, maadaama aan annagu
halkan online uga maamuli jirnay hawlihiisa. Taasi waxay noqotay kulankii ugu
horreeyay ee fool ka fool ah.
Anigu si fudud ayaan u imid—dhar aad uqurux badan ma xiranin —caadi baan ahaa; ujeeddadaydu waxay ahayd oo
keliya in aan shaqadayda si sax ah u qabto. Kulanka ka dib, wuu i weydiiyay
asxaabta iga ag dhow; xaaladdayda ayuu wax ka ogaaday. Kadib wuxuu igu soo
wacay si aan u kulanno—anigoo u malaynayay inuu shaqo ka hadlayo—laakiin wuxuu
ii sheegay inuu doonayo inuu si rasmi ah ii soo doonto, isagoo
ii arkay gabar dadaal badan, ku habboon in ay noqoto xaaskiisa, uuna ku
kalsoonaan karo guriga, shaqada, iyo noloshayda oo dhan.
SubxaanaLlaah, qalbigaygu aad buu u deggenaa. Waxaan dareemay in tani ay
tahay qaddarkii Ilaahay ii diyaariyay—mucjiso weyn. Runtii
waan is guursannay, waxaanan u safarnay.magaaladiisii. Waxaan ka guuray nolol
ay ka buuxeen su’aalo, jahawareer, murugo iyo walbahaar, waxaana u wareegay
nolol aanan erayo ku cabbiri karin wanaageeda.
Farxaddaydu waxay noqotay ka dib Ramadaan. Arooska wuxuu noqday mid ay dadku
ka sheekeeyaan. Mar walba waxaan ku ducaysan jiray: ‘Ilaahayow, i sii mucjiso
ama faraj ay la yaabaan ehelka samooyinka iyo dhulka.’ SubxaanaLlaah, kuwii igu
xeernaa way la yaabeen sida guurku u dhacay, sida Ilaahay ii gu soo diray
ninkaasi, sida aan u safaray, iyo sida aan nolol kale ugu guuray. Xitaa haddii
aan mala-awaalo ama sheego, waligey kuma riyoon karin rubuc ka mid ah waxa aan
maanta ku jiro.
awooda Ilaahay iyo ballankiisa kuwa istighfaarka badsada—run bay
noqotay qisooyinkayga. Waxaan bilaabay Rajab, subxaanaLlaah ka dib
Ramadaan ducadaydii oo dhan waa la aqbalay, wixii aan ku riyoon jirayna waxaan
u arkay xaqiiqo. Waxaan rumaystay hadalkii sheekha aan markii hore ka
dhageedtay istighfaarka ee ahaa: ‘Rajab waa bisha beerista.’ Runtii waan beeray
riyooyinkayga iyo hamigayga, waxaanan daryeelay ilaa aan ka goostay mirihii
istighfaarka ka dib Ramadaan.
Haddii aad ku jirtaan xanuun, dib-u-dhac, ama sugitaan dheer; ama aad soo
martay duruufo la mid ah kuwii aan soo maray—dib-u-dhac guur, dib-u-dhac rizqi,
nasasho la’aan, aragti bulsho oo aan fiicnayn—ogow: ha yareysanina calaamad
kasta ama farriin kasta oo idiin timaadda. Bisha Rajab waa bil
Ilaahay qalbiyada ku diyaariyo qaddarro waaweyn. Anigu sidaas ayaan ku dareemay
qisooyinkayga, waana idinla wadaagay maanta si laga yaabo in qof ka helo
farriintiisa, oo uu maanta bilaabo istiqfaarta .
Halkan ayay gabadha qisooyinka leh ku soo gebagebaysay hadalkeedii. Laakiin
hadalka ku saabsan istighfaarka marna ma dhammaado. Istighfaarku kaliya ma
beddelo duruufaha—annaga ayuu marka hore ina beddelaa, marka
annagu is beddelno ayayna dunidu is beddeshaa.
—laga yaabee in qisooyinkiinnu ka bilaabmaan Rajab sida gabadhaan oo kale.
Ogaadana in ballanka Ilaahay ee kuwa istighfaarka badan uu yahay xaq.
Rajab waa fursad dahabi ah—ha luminina. Qora hamigiinna iyo ducadiinna, kuna
dadaala istighfaarka iyo ku-dhawaanshaha Ilaahay si aad u goosataan mirihiinna
bilaha soo socda: Rajab, Shacbaan, iyo Ramadaan—Ilaahayna ha na gu gaarsiiyo Ramadaan nabad iyo khayr, hana naga
dhigo kuwa gaara riyooyinkooda iyo hamigooda.
Qof kasta oo naga mid ah haddii albaab u ka xiran yahay, Ilaahay ha u furo.
Ilaahay wuxuu noo dhigay furayaal badan—kan ugu horreeyana waa
istighfaarka: ka toobadkeenka dambiyada iyo gafafka, xitaa kuwa aynaan
ogayn. Haddii aadan weli bilaabin istighfaarka, ka faa’iidayso fursaddan weyn;
ajarku waa la laba-laabaa, Rajabna waa fursad weyn oo lagu diyaargaroobo
qaddarro qurux badan.
Ku dadaala Istighfaara—si ay
u rumoobaan hamigiinna iyo riyooyinkiinna.
والسلام عليكم ورØÙ…Ø© الله وبركاته.

0 Comments